Shaqodoonka

WorkSource Oregon waa xaruntaada xirfadeed ee halmar joogsi iyo shuraako ku kalsoon shabakadda Xarunta Shaqada ee Mareykanka. Dhammaan adeegyadu waa lacag la’aan.
Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maraykanka waxay hirgelisay mudnaanta adeegga loogu talagalay halgamaayada iyo lamaanahooda u-qalma dhammaan adeegyada shaqada iyo shaqaalaha, tababarka, iyo meelaynta ee barnaamij kasta oo diyaargarow shaqaale oo ay maalgeliso Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maraykanka. Haddii aad u adeegtay ciidamada qalabka sida ee Maraykanka ama tahay lamaane shaqaale ciidan oo u-qalma, fadlan nala soo socodsii.

Haddii shaqada lagaa joojiyay, aad rabto isbeddel xirfadeed, ama aad raadineyso shaqadaadii ugu horreysa, WorkSource waxay leedahay dhigaalo kaa caawinaya inaad qaado tallaabada xigta. Laga soo bilaabo heerka gelitaanka ilaa hoggaanka fulinta, waxaan halkan u joognaa inaan kaa caawino inaad hesho shaqada aad rabto.

Cilmi-baaris ayaa muujisay in dadka isticmaalo adeegyada shaqada ee WorkSource inay ugu laabtaan shaqada si dhakhso ah oo ay kasbadaan lacag badan marka lala barbardhigo dadka aan isticmaalin.

Markaad ku jirto WorkSource, waad:

Iska diiwaangelin kartaa gudaha iMatchSkills, keyd-xogeedka ugu ballaaran ee shaqo

  • Ka codsan kartaa, iska diiwaangelin kartaa tababarada, ku sameysan kartaa qorshe xirfadeed iyo Fayl Shaqeedka WorkSource, waxaadna fariin uga diri kartaa shaqaalaha WorkSource gudaha My WorkSource
  • Ka heli kartaa tababar xirfadeed oo qof-ka-qof ah
  • Waafajin kartaa danahaaga iyo awoodahaaga shaqooyinka aad ku fiicnaan laheyd oo aad ku raaxeysan laheyd inaad qabato
  • Ogaan kartaa wax ku saabsan tababarka lacag la'aanta ah si laaga caawiyo inaad horumariso xirfadaada ama aad wax uga ogaato nooc shaqo cusub
  • Sahmin kartaa layliyada mushaarka leh, tababarada shaqaale, barashada shaqooyinka, barnaamijyada GED, iyo casharrada kulliyadda
  • Kaqeybqaadan kartaa aqoon isweydaarsiyada ku saabsan taariikh xirfadeedka, wareysashada, ku xirnaanta xirfadleyaasha, xirfadaha shaqsiyeed, codsashada shaqooyinka gobolka, iyo wax badan
  • Isticmaali kartaa kumbuyuutarada, internet-ka, telefoonada, fakiska, koobiyeyaasha, iyo madbacadaha ku jira Qololkeena Dhigaalada
  • Ka heli kartaa caawimaada gaadiid-raaca, daryeelka carruurta, cuntada, gelida internet-ka, kharashka muraajacada, buugaagta, lacagaha dugsiga, aqoonsiga, dharka shaqada iyo qalabka, iyo wax badan.

Maxay yihiin faa'iidooyinka iMatchSkills iyo My WorkSource?

iMatchSkills

iMatchSkills waa nidaamka ku beegista shaqo ee Gobolka Oregon. Waxaad ka heli kartaa shaqooyin, shaqobixiyeyaashuna way kaa heli karaan. Markaad macluumaad badan geliso heybtaada Shaqodoonka, ayaad si badan aad ugu muuqan kartaa shaqobixiyeyaasha.

Markaad ku jirto iMatchSkills, waad:

  • Baari kartaa boqolaal liisaska shaqooyinka furan ah
  • Raadin kartaa shaqooyin u dhigma xirfadahaaga, danahaaga, iyo saacadaha aad doorbideyso
  • Sameyn kartaa oo keydin kartaa taariikh xirfadeedkaaga
  • Codsan kartaa shaqooyin
  • Ha kugu xiraan shaqobixiyeyaasha shaqaalaha WorkSource
  • Heli kartaa digniino ku saabsan shaqoonka cusub ee la soo dhejiyo iyo bandhigyada shaqo

Haddii aad hesho macaashka caymiska shaqo-la'aanta, waa inaad ka buuxisid heybta Shaqodoonka gudaha iMatchSkills. 

My WorkSource

My WorkSource waa mareeg isdhexgal leh oo loogu talagalay shaqodoonka. Waadgeli kartaa si aad u hesho dhigaalo iyo qalab adiga laguugu talagalay. Waxaad u baahan doontaa inaad iska diiwaangeliso barnaamijka Shaqada iyo Tababarka ee deegaanka si aad u aragto sifooyinka oo dhan, balse qalab badan ayaa la heli karaa iyadoo aan la iska diiwaangelin.

Markaad ku jirto My WorkSource, waad:

  • Ka sameysan kartaa qorshe shaqo adoo dejisanaya hadafyo shaqo iyo xarfadeed
  • Ka raadin kartaa oo ka codsan kartaa shaqooyin
  • Iska diiwaangelin kartaa tababarada iyo aqoon isweydaarsiyada
  • Uga diri kartaa oo ka heli kartaa fariimaha sugan ee shaqaalaha WorkSource
  • Geli kartaa qalabka si aad u wanaajiso una keydiso taariikh xirfadeedka iyo waraaqaha codsiga
  • Ku keydin kartaa raadinta shaqo, codsiyada, iyo shaqooyinka la soo dhejiyo gudaha diiwaanka codsiga
  • Ka heli kartaa barnaamijyada tababarka ee onlaynka ah

Shaqo-la'aan miyaad tahay?

Haddii aad hesho macaashka caymiska shaqo-la'aanta, ogow wax ku saabsan shuruudahaaga shaqo raadinta.

Hel tababar ama dhigo dugsiga adoo weli helaya macaashyada shaqo-la'aanta Tababarka Caymiska Shaqo-la'aanta (TUI). Uma baahnid inaad shaqo raadsato inta aad ku jirtid barnaamijkan.

Bilow ganacsi kuu gaar ah iyadoo aad weli qaadaneyso macaashka shaqo-la'aanta Kaalmada Iskaa Ushaqeysiga (SEA). Uma baahnid inaad shaqo ka raadsato shaqobixiye inta aad ku jirtid barnaamijkan.

Ma Tahay Naafo?

WorkSource waxay kaa caawin kartaa inaad hesho oo aad haysato shaqo u dhiganta xirfadahaaga, danahaaga, iyo awoodahaaga. Waxaan sidoo kale ka caawinaa shaqobixiyeyaasha inay bixiyaan hoy. Fadlan buuxi foomkan hoose si aan u ogaano sidii aan ku caawin lahayn.

Adeegyada waxaa ka mid ah:

  • Daabacaadda ballaaran
  • Turjubaanada farahadalka
  • Adeegga Gudbinta Onlaynka ah ee Sprint (SRO)
  • TTY/TDD
  • Xalka Cod Xambaarida (VCO)
  • Hadal-ka-Hadal
  • Adeegyada Isbaanishka ee TTY

Ma Tahay Halyeey?

Haddii aad u soo shaqeysay militariga Mareykanka ama aad xaas u tahay halyeey, waxaad u qalmi kartaa gudbinada mudnaanta leh ee shaqooyinka iyo adeegyada kale ee shaqada iyo tababarka.

Tababarka & Waxbarashada

Mararka qaarkood tallaabadaada xigta ee xirfadeed waxay u baahan tahay tababar dheeraad ah ama waxbarasho. WorkSource waxay kaa caawin kartaa inaad sahamiso—oo aad bixiso kharashka—fursadahaaga.

  • Shahaadada koowaad ee jaamacadda iyo shahaadooyinka. Kasbo shahaado la aqoonsan yahay. WorkSource waxay kaa caawin kartaa shahaadooyinka xakameynta taraafiga, darawalada cagafta xamuulka, CPR/gargaarka koowaad, OSHA 10/30, cunto qaadeyaasha, khamri shubista, iyo wax badan.
  • Barashada Shaqooyinka. Hel khibrad shaqo iyo waxbarasho adoo qaadaneyso gunno qoyseed. Waxaa la heli karaa dhinacyada sida daryeelka caafimaadka, tiknoolajiyadda macluumaadka (IT), wax-soo-saarka, dhismaha, iyo wax badan. Daawo muuqaalkan si aad wax badan u ogaato. Sahmi barashada shaqooyinka.
  • Tababarada shaqaale. U diyaargarow shaqo mustaqbalka adoo helaya khibrada shaqo ee bartilmaameedkaaga. Tababaro shaqaale oo lacag ah iyo lacag la'aan ah ayaa la heli karaa.
  • Waxbarashada. Qaado casharrada loogu talagalay Waxbarashada Aasaasiga ah ee Dadka Waaweyn (ABE), Ingiriisiga Luuqad Labaad (ESL) ahaan, Waxbarashada Guud ee u Dhiganta Shahaadada Koowaad ee Jaamacadda (GED), iyo wax badan.
  • Aqoon isweydaarsiyada. Kaqeybqaado aqoon isweydaarsiyada ku saabsan taariikh xirfadeedka, wareysashada, ku xirnaanta xirfadleyaasha, xirfadaha shaqsiyeed, codsashada shaqooyinka gobolka, iyo wax badan.

Si aad u aragto aqoon isweydaarsiyada kuu dhow, booqo My WorkSource.